BARNAAMIJYADA
Latest Media
Musalsal Nuura 27
[22-05-2013 20:25]
DADKA BAAHIDA GAARK...
[22-05-2013 20:24]
URURKA S Y L RA'YIG...
[22-05-2013 20:16]
Xikmadii Jaceylka 123
[22-05-2013 20:16]
Warkii 22 05 2013
[22-05-2013 10:56]
Xikmadii Jaceylka 122
[21-05-2013 20:08]
Musalsal Nuura 26
[21-05-2013 12:47]
Ururka Suxufiyiinta...
[21-05-2013 09:30]
Warkii 21 05 2013
[21-05-2013 11:03]
Deeq Raashin Ah Oo ...
[21-05-2013 09:29]
DAAWO SAWIRO General Ismaaciil Saxradiid oo ku dhawaaqay in Eey Weerar Ku Qadayaan Shabaabka Ku Harsan Jubooyinka
Taliyaha guud ee ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka Generaal Ismaaciil Saxardiid oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa wuxuu faah-faahin ka bixiyay qorshaha Shabaab ee kaga aadan Gobalada ay ku sugan yihiin.

Generaal Saxardiid ayaa sheegay in ciidanka Dowladda ee Jubbooyinka muddo saddex sano ah ay tababar ku jireen ayna yimaadeen deegaanka qooqaani oo ku dhaw Degmada Afmadoow.

Wuxuu sheegay in intaasi kadib ay usoo gudbeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose awood milaterina ay kula wareegeen muddo kadib sida uu sheegay.

Generaal Saxardiid ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay qorsheynayaan inay weeraro ku qaadaan deeganada Shabaab ay ka joogaan Gobalada Jubbooyinka oo uu sheegay inay masuuliyad ka saaran tahay inay halkaasi ka saaraan.

Taliyaha ayaa cadeeyay in ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka ay haysato dhibaato taasi oo uu ku sheegay inaysan helin mushaar iyo sidoo kale saad milateri intaba.

Saxardiid ayaa sheegay inay taageero ka helaan ciidamada Kenya oo dhanka tababarka,saadka,raashinka iyo waxyaabaha kale ee ay doonayaan ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka.

Ugu dambeyn madaxda dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay bixiyaan mushaaraadka ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed si ay usii wadaan howlgalka milateri ee Jubbooyinka.



Wararka Maanta
Madaxweynaha Soomaaliya oo shaaciyey Shabaabka aysan dowladiisa wada xaajodka la galeyn.
05-03-2013

DAAWO: Al-Shabaab lagu qabtay dagaalka ka socda dalka Maali
05-03-2013

Dhacdooyinka Caalamka
Daawo fanaanad caan ah oo fanaan kale oo caana uu jaceylki uga baxay!
05-03-2013

DAAWO Diidi Naaji Oo Soo Saaray Muuqaalka Heesta Lawada Sugaayay Ee Kursigaan Daawasho Wacan.
05-03-2013



Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Render time: 0.04 seconds 5,800,689 unique visits Top